waaxda dabdamiska oo baaq diray

Agaasime Ku xigeenka Waaxda Gurmadka Dab damiska ee maamulka Gobolka Banaadir Cumar Max’ud Carab oo la hadlay Warfidiyeenada Muqdisho ayaa ugu baaqay Ganacsatada wax ku iibisa hareeraha waddooyinka in ay ka feejignaadaan waxyaabaha keeni kara in dab uu ka kaco Mehradahooda.

Cumar Max’ud ayaa sidoo kale xusay in Ganacsatada looga baahan yahay in ay diyaarsadaan agab ay u isticmaalaan dab damiska xilliyada dab uu qabsado Goobahooda Ganacsi.

Suuqyada Waaweyn ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka kaca dab sababa Khasaro Nafeed iyo mid hantiyeed sababa, iyadoona Gelinkii dambe ee shalay uu dab xoogan qabsaday xarumo Ganacsi oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan kaas oo la sheegay in ay ku basbeeleen qaar ka tirsan xarumihii Ganacsi ee halkaas ku yaallay.

Back to home page