Kulamadii gedo kasocday oo fashilmay

Kulan maalmahaan dambe kaga socday Magaalada Garbahaareey Siyaasiyiin , Xildhibaanno ka soo jeeda Jubbooyinka , Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo Guddoomiyihii Gobolka Gedo ayaa waxa uu ku soo gaba gaboobay is faham waa.

Cabdi Shire oo ah Siyaasi ka soo jeedo Gobolka Gedo oo la hadlay Radio Shabelle ayaa sheegay in kulankaan oo muddo todobaadyo ah soo jiitamayay kana socday Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo islamarkaana ay wada qaadanayeen Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland , Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag , Guddoomiyihii dowladda ee Gobolka Gedo, siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ka soo jeedo Gobolka Gedo u jeedkiisuna ahaa in laga dhaadhiciyo Max’ed Cabdi Kaliil sidii uu ugu biiri lahaa maamulka Jubbaland ama uu u tanaasuli lahaa , wuxuuna beeniyay in Kaliil uu qaatay fikirkaasi.

Tan iyo markii Madaxweynaha maamulka Jubba uu u Magacaabay Gobolka Gedo Guddoomiye ayaa waxaa isi soo tarayay siyaasadaha is diidan ee u dhexeeya guddoomiyihii Gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil iyo xubno taabacsan iyo maamulka Cusub ee loo Magacaabay Gobolkaasi Gedo waxaana xusida mudan in Magaalada Garbahaareey ay ka dhaceen shaqaaqooyin ka dhashay arrintaasi.

Back to home page