Magaalada gaalkacyo ayaa waxaa booqasho kujooga gudoomiye kuxigeenkii hore Ururka IPO

Muddo laba usbuuc kudhow ayaa waxaa magaalada gaalkacyo kusugan mudane cabdulqaadir suldaan, isaga oo ka ambabaxay magaalada caasimada ah ee muqdisho.

Safarka mudanaha ayaan la ogeyn meel uu kusii wajahanyahay balse waxaa laga warhelay isaga oo kusugan magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug.

Mudane cabdulqaadir suldaan ayaa waxa uu horey usoo qabtay xilil kala duwan oo ururka IPO sida: gudoomiyaha iyo iyo gudoomiye kuxigeenka halkaasoo markii ugu danbeysay iskiis uu iskaga casilay xilkii uu ururka IPO uhayay intuusan ka tagin magaalada muqdisho

Back to home page