Calanka dowlada falastiin oo laga qaramada midoobay

Calanka Dowlada Falastiin ayaa markii ugu horeesay waxaa laga taagan Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York ee Dalka Mareykanka , waxaana dabaaldagyo arintaasi lagu soo dhaweenayo ay ka dhaceen dhulka Falastiin.


Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa horraantii bishan ogolaaday Falastiiniyiinta in calankooda ay ka taagtaan dhismayaasha Qaramada Midoobay, waxaana maalintii shalay ay noqotay arintaasi mid laga dhabeeyo.

Munaasabada Calanka Falastiin Maxamuud Cabaas looga taagayay Xarunta Qaramada Midoobay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Falastiin, Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe, Ban Ki-moon, Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ku tilmaamay guul in Calanka Falastiin laga taagay Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York , waxa ayna arintan guul u tahay shacabka Falastiin oo mudo badan sugayay in calankooda laga taago Xarunta Qaramada Midoobay.

Back to home page