Shaqaalaha wasaarada arimaha guha oo tababar loo furay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan hoteelka Jazeera ka furay tababar socan doona mudda afar maalin ah oo ay qaadan doonaan shaqaalaha wasaaradda arimahaga gudaha iyo Federalka Soomaaliya (WAG&F).

Tababarka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay hey’adda EISA oo saldhigeedu yahay daka Koofurta Afrika wasaaraddana dhinacya badan kala shaqeysa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha iyo Federalka (WAG&F), Cali Abti Doon Xalane, ayaa waxa uu furay tababarka, isaga oo sheegay in tababarku uu ku saabsanyahay Sara u qaadidda tayada agaasimayayaasha waaxyaha iyo shaqaalaha wasaaradda arimaha gudaha iyo sidoo kal u diyaargarowga hiissiga 2016-ka.

Agaasimayayaasha waaxyaha iyo shaqaalaha wasaaradda arimaha gudaha ayaa waxa ay qaadan doonaan casharro la xariira sida ay xogta u wadaagi karaan, waxaana inta uu socdo tababarka casharada bixin doona macalim lagu magacaabo Niel McCullum.

Waxa uu sheegay agaasimuhu in Marka uu dhamaado tababarku uu rejeynayo in shaqaalaha wasaaradda tayadooda wax badan iska bedeli doonaan, waxa uuna uga mahad celiyay hey’adii soo qabanqaasiday sida wacan ee ay u garab taaganyihiin.

Hamadziripi Munyikwa oo ah ninka madaxda ka ah xafiiska EISA ee Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay munaasabadda isaga oo sheegay in wax badan ay la qabteen wasaaradda labadii sano ee ay dalaka ka shaqeynayeen.

Ugu danbeyn agaasimaha guud ayaa waxa uu kula dardaarmay dhinacyadii uu tababarku u furmay in ay ka faa’iideestaan maalmaha uu socdo tababarkaan, isaga oo intaa raaciyay in ay muhiimadu tahay in laga dareeyo faa’iidada uu leeyahay waasaradda.

Si kastaba, Tababarka ayaa waxa uu qeyb ka yahay siminaarro badan oo shaqaalaha wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka loogu tala galay si ay ugu diyaar garoobaan doorashooyinka la filayo in sanadka soo socda ay ka dhacaan dalka Soomaaliya.

Back to home page