Gudoomiyaha G/banaadir oo kacabanaya wasiirka amniga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Max’ed Xuseen Muungaab Xasan Max’ed Xuseen Muungaab oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Max’ed in uu wax aan sharci ahayn oo aan ku habooneen Masuul dowladeed uu ku kacay sida uu hadalka u yiri.

Duqa Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in maanta wadada gasha AirPortka Magaalada Muqdisho lagula waabariistay burburin iyadoo Wasiirka Amnigana uu faray Booliska in ay xiraan wadada si loo bur buriyo waa sida uu hadalka u dhigee.

Muungaab ayaa tilmaamay in dadka burburinta ku hayay wadada ay ruqsad ka wateen Wasiirka Amniga, isagoo sidoo kale ku eedeeyay Wasirka in dhowr jeer oo falal aan shaqadiisa ahayn uu ku kacay sida in Ciidamo uu faro in guryo is qab qabsi uu ka jiro ay ku duulaan.

Intaas kadib ayuu duqa Muqdisho ka dalbaday Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya in Wasiirka Amniga wax laga qabto haddii kale Magaalada Muqdisho ay dhowr tallaabo dib u qaadi doonto waa sida uu yiriye.

Dhinaca kale Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo isna Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waddo aan ruqsad looga heysan maamulka Gobolka Banaadir aan la xiri Karin isagoo shaaca ka qaaday in sharciga uu dhigayo in arrimaha waddooyinka nabad gelyadooda iyo howlaha laga qabanayo wax laga weydiinayo Maamulka Gobolka.

Muungaab ayaa dhawaan wacad ku maray in gebi ahaan uu isku furi doono waddooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho isagoo carabka ku adkeeyay in ciddii amni suganeyso kaliya loo ogol yahay in Marshi biyoodiga hareerteeda ah ay xirato laakiin in wadada shacabka marinka ka dhigtaan ay iska xirato.

Back to home page